Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Doha, lana kulmay..(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, iyadoo ay halkaasi ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi iyo safiirka Somalia ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo dardar-gelina mashaariicda Qatar ay ka fuliso Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaraha.

Dowladda Qatar ayaan hirgelin mashaariic dhowr ah oo hore u balanqaaday inay ka fulineyso Somalia, waxaana Qatar ay kaalmo toos ah iyo mid dadban siin jirtay dowladda Somalia, kadib xiisadii khaliijka oo Somalia ay u janjeersatay dalkaasi yar ee ay go’doomiyeen Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalal kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Xisbiga uu Hogaamiyo Xasan Sheekh oo soo saaray War Saxaafadeed Xasaasi ah (Akhriso)

Cabdi Cade

Sababaha soo celiyey khilaafka mar kale ka dhex qarxay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi?

Caydiid Ali

Masuuliyiin ka socota Iran iyo Xamaas oo gaaray Magaalada Moscow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---