Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Marwo Azizah Wan Ismail (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga uu ka dagganyahay magaalada Makkah waxa uu wada hadallo kula yeeshay R/Wasaare Ku Xigeenka Malaysia Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo waxbarashada farsamada gacanta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale horay kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Xasan oo kulan deg deg ah la qaatay laamaha Amniga (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Cali Guudlaawe oo soo saaray wareegto Ma’suul cusub lagu magacaabay

Caydiid Ali

(Sawirro) Qoorqoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb & doorashada oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---