Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo cuno-qabateyn ku soo rogay dal saaxiib dhow la ah & Sababta ka dambeysa

Madaxweyne Trump ayaa qorsheynaya inuu ku dhawaaqo cunna-qabateyn ka dhan ah Shiinaha, kaddib markii uu u arkay in dalkaasi uu dhiirrigelinayo xatooyada iyo minguurinta ganacsiyada Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabadan ay imaaneyso kaddib sanado ay ka wada hadlayeen arrintan, taas oo aysan waxba ka miro-dhalin.

Cunna-qabateynta ayaa la filayaa inay ku jirto canshuurta iyo weliba kuwo kale.

Qorshaha Mareykanka ayaa laga cabsi qabaa inuu horseedo dagaal ba`an oo dhanka ganacsiga ah.

Aqalka Cad ayaa lagu soo warramayaa inuu Shiinaha ku soo rogo canshuur dhan $30bn-$60bn iyo weliba tallaabooyin kale oo xayiri doona maalgashiga.

Mareykanka ayaa sidoo kale doonaya inuu cabasho u gudbiyo Ururka Caalamiga ah ee Ganacsiga.

Wuxuu Mareykanku helay caddeymo ah in Shiinuhu uu Mareykanku ku yeelanayo warshado muhiim ah, iyo inuu fuliyo uuna taageero weerarrada dhanka Internetka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Malaayiin dollar oo laga dejiyey Magaalada Baydhabo & Dowlada Somalia oo..

Caydiid Ali

Dowlad goboleedkii ugu horeeyey oo ka jawaabay qoraalkii Wasiir Beyle (Akhriso)

Caydiid Ali

Maqaayada ugu caansan Waddanka Canada oo soo saartay amar muran dhaliyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---