Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo war ka soo saartay qaraxii lagu hoobtay ee galabta ka dhacay Muqdisho

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qarax xoogan oo galabta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan ka soo horjeedka hotel Weheliye.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay agagaarka goob shaaha laga cabo oo ka horjeeda hotelka khasaare xoogan ayaana ka dhashay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan oo ay sheegtay in lala helay isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil Ciidan, xildhibaanno iyo siyaasiyiin katirsan dowladda.

Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxu uu sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray saraakiishii bartilmaameedku ahaa “Mujaahidiinta ayaa qarax ku beegsaday isku imaatin ay saraakiil uga sugnaayeen wadada Makka Al Mukarrama” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ugu yaraan 14 ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen qaraxan halka 20 kale dad kor u dhaafaya ay ku dhaawacmeen, dhamaantoodna waxay ahaayeen inta laga warqabo dad shacab ah oo ku sugnaa goobtaas oo aad u saxmad badan iyo qaar kale oo la socday gaadiid wadada marayey.

Afhayeenka Wasaarada amniga Xukuumada Somalia C/casiis Xildhibaan ayaa warbaahinta u sheegay in goobta la beegsaday ay aheyd meel shacabku ku badan yihiin, isagoo xusay ineysan jirin masuuliyiin ama saraakiil dowlada ka tirsan oo qaraxaas wax ku noqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Geeriyooday oo loo doortay in uu noqdo Duq magaalo iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade

Xamaas oo maanta sii deyneysa afar gabadhoos oo Askar Israa’iiliyiin ah

Cabdi Cade

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in la baarayo dhacdadii Tuulada Gololey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---