Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka dhoofay Muqdisho

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, waxa ayna u duuleen wafdigan magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar.

Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa marka uu gaaro dalka Qadar in uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi,   Waxa uuna kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Qadar u kordhin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale la filayaa in madaxda dalka Qadar kala hadlo sidii loo bilaabi lahaa mashaariic kala duwan ay horey dowlada Qadar u shaacisay in ay ka fulineyso Soomaaliya.

Kheyre ayaa sanadkii hore dhagax dhigay dhismaha laamiga isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afhooye ay dhiseyso dowlada Qadar, walina ma bilaaban mashruuca lagu dhisayo wadadan iyo sidoo kale wadada kale ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Boob & xaalad kacsan oo ka taagan Jigjiga iyo rasaas la maqlayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo ku laabtay Dhuusamareeb, wax yar ka dib markii uu.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhimashada daadadka Jarmalka oo gaartay boqol qof & kun kale oo la la’yahay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---