Allbanaadir.com
NEWS

UNHCR oo qaxooti badan ay Soomaali ku jiraan geysay dal Yurub kuyaala

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa dalka Liibiya ka daadgureysay qaxooti badan ay ku jiraan kuwa Soomaaliyeed oo ku dhibaateesnaa gudaha dalka Liibiya.

Qaxootigan la qaaday ayaa ku go’doonsanaa magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya halkaas ay dagaalo ka socdaan, waxaana dadkan la daad gureeyay u badan yihiin caruur iyo haween .

Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa qaxootigan oo gaaraya 149 qof oo qaxooti iyo megangalyo doon isugu jira geysay dalka Talyaaniga, waxaana dadkan la qaaday isugu jiraan Soomaali, Itoobiyaan , Eretiriyaan iyo Sudaanees.

Farhan Haq, oo ah ku xigeenka afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in caruurtaasi badankood ay ka muuqato nafaqa darri ayna u baahanyihiin daweyn iyo nafaqeyn deg deg ah.

Qaxootigan Waxaa laga soo qaaday xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay Tripoli ka dib markii ay ka soo badbaadeen bilo ay xaalado halis ah ku jireen, iyagoo ku suggan xarummo dadka lagu hayo.

Dalka Liibiya oo qeybo kamid ah ka socdaan dagaalo xoogan ayaa waxaa ku go’doonsan muhaajiriin u badan Afrikan kuwaa oo dalkaasi u tagay in ay uga sii gudbaan qaarada Yurub, waxaana dadkan qaarkood ku xiran yihiin xabsiyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

C/wali Gaas oo kala diray Maamulkii Boosaaso, Maamul KMG ahna magacaabay (Akhriso Sababta)

Caydiid Ali

Maamulka Abiy oo xiray Antoine Galindo iyo xaalka Itoobiya oo meel xun maraya

Cabdi Cade

RW Rooble oo shaaciyey labo qodob oo looga hadlayo shirka Golaha Wadatashiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---