Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Guddoomiye Cali Gacal Casir lagu xanibay garoonka Jomo Kenyatta?

Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in lagu xaniibay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, loona diiday Fiisaha dalka Kenya.

Cali Gacal CasirĀ  oo caawa la soo xiriiray Xafiiska shabakada Allbanaadir Online ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu haatan ku sugan yahay magaalada Nairobi.

“Waa been abuur wararka la faafiyey ee sheegaya in la igu xanibay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi oo maanta aan howlo shaqo ku soo gaaray, waxaana hadda ku suganahay magaalada, mana jirin wax caqabad ah oo aan kala kulmay safarkeyga” ayuu yiri Guddoomiye Cali Casir.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa yimid xili qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ay saacadihii ugu dambeeyey baahiyeen warar sheegaya in Gudoomiye Cali Casir lagu xanibay garoonka dayuuradaha JKIA ee magaalada Nairobi, loona diiday fiisaha dalkaas, waxayna intaas ku dareen in dib loogu soo celinayo beri magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.comĀ 

Related posts

Dowlada oo ka hadashay dab saakay ka kacay garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

Maxaa kala qabsaday Christiane Amanpour oo ka tirsan CNN iyo Madaxweynaha Iran? (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax Macmal ah oo ka dhacay Muqdisho iyo ragii ka dambeeyay oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---