Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Nabad sugida Jubbaland oo fashilisey qarax lagu aasayey duleedka Kismaayo (Sawirro)

Nabad sugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo ku soo bandhigay Miino ay sheegeen in la doonayay in lagu aaso Wadada balse ay ka hor tageen.

Saraakiil ka tirsan taliska nabad sugida Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay ku guuleysteen iney qabtaan Miinada oo sida ay tilmaameen lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka isticmaala Wadada xiriirisa Kismaayo Cabdalla Biroole.

“Miinadan waxaa ka cararay kooxo ka tirsan nabadiidka oo doonayey iney ku aasaan wadada ka dib markii laga war helay, waana ilaahay mahadiis hadii laga hor tagay dhagarta nabadiidka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Nabad sugida Jubbaland oo u mahad celiyey ciidankii gacanta ku soo dhigay miinadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Khayre iyo Wafdigiisa oo goor dhow gaaray Magaalada Baydhabo Janaay (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Netanyahu: “Maanta, berri & mar walba waa mahadsan yahay Mareykanka”

Caydiid Ali

Wax ka ogow fayraska neef-mareenka ee ku faafaya Shiinaha Walaacana abuuray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---