Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wakiil cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kadib muddo lix bilood ah oo xilkaasi uu bannaanaa.
Wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa loo magacaabay James Swan oo ah diblomaasi Mareykan ah oo kasoo shaqeeeyay dalal badan oo Afrikaan ah, isla markaana hore u soo noqday ku xigeenka xoghayaha Arrimaha dibadda Maryekanka ee qaabilsan Afrika.
Wakiilka cusub ee Q/Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa dalkiisa Mareykanka safiir uga soo noqday dalalka DRC iyo Jabuuti, waxaana uu bedelayaa wakiilkii hore Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay markii ay ku eedeysay inuu ku gefay Qaranimada Somalia.
Xiriirka dowladda Somalia iyo Q/Midoobay ayaa xumaaday kadib eryidii Wakiilkii hore Mr. Haysom, waxayna Xoghayaha guud ee Q/Midoobay ku qaaday muddo lix bilood ah inuu dib u soo magacaabo wakiil cusub. Wuxuuna markan soo xulay diblomaasi kasoo jeeda dalka ugu weyn dunida oo aanay dowladda Somalia isku dayi karin iney ka erido dalka ama ka hor timaado.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.comÂ