Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiilkii Ukunta oo dhaqaale ugu deeqay ehelada Muslimiintii lagu laayey New Zealand

Will Connolly oo ah Wiil 17-sano jir ah oo ka soo jeeda dalka Australia isla markaana ku caan baxay Wiilkii Ukunta, ka dib kolkii uu madaxa Ukun kaga dhuftay siyaasi ku xadgudbay muslimiinta ayaa lacago gaaraya 70-kun oo doolar ugu yaboohay qoysaska dadkii wax ku noqday weerarkii loo geystay 2-dii masjid ee magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Wiilkan ayaa maalinimadii shalay baraha bulshada ku soo qoray in lacagahaasi uu u dhiibayo 2 urur samofal oo qaabilsan taageeridda dadkii wax ku noqday weeraradii 2-dii masjid.

Lacagahaasi ayaa lagu waramay in ay soo uruuriyeen taageerayaasha wiilkaasi xilli ay ku socotay dacwad loo heystay oo la xiriirtay ukun uu madaxa uga dhuftay Senetor hore (Fraser Anning) oo ka  hadlay weeraradii lagu fuliyay 2-dii masjid, kaasoo ku tilmaamay muslimiinta in ay yihiin asal raac, ayna sababeen weeraradaasi.

15-kii Maarso ayeey aheyd matkii Brenton Tarrant oo ka soo jeeda Australian uu toogasho u geystay dad muslimiin ah oo ku sugnaa 2-masjid oo ku yaala dalka New Zilan,kaas oo qudha ka jaray 51-ruux.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulan saddex ajando looga hadlay

Cabdi Cade

Ciidamada Amaanka oo soo afjaray Weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga

Cabdi Cade

Rooble oo digniin ka soo saaray boobka lagu bilaabay doorashada Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---