Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga.
Wafdiga Madaxweynaha hogaaminayay waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jiddah kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Boqortooyada Sacuudiga, waxaana Madaxweynaha iyo wafdigiisa usii gudbeen magaalada Barakeesan ee Makka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ayaa beri magaalada Makka uga qeyb galaya shir aan caadi aheyn ee yeelanayaan madaxda wadamada Carabta, waxaana shirkan looga hadlayaa weeraro Xuutiyiinta la beegsadeen Gudaha Sacuudiga iyo Maraakiib Imaaraatka leeyahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com