Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe & danjire Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo.

Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar culus oo qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday magaalada ….

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble keebaa Saxan (Wax ka Ogow)

Cabdi Cade

Haweeney uu abti u yahay Ayatollah Ali Khameni oo baaq yaab leh u dirtay dunida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---