Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya oo mar kale u geftay Soomaaliya (Arag Caddeyn)

Wasaarada arrimaha dibeda ee Itoobiya ayaa mar kale waxaa bogeeda lagu soo daabacay qoraal gef iyo meel ka dhac ku ah dalkEENA Somalia.

Wasaarada ayaa soo daabacday liiska danjireyaasha u fadhiya caalamka, waxayna dalkeena u qeybisay Saddex dal oo sadex danjire ay kala fadhiyaan.

Danjiraha Itoobiya ee Muqdisho fadhiya marka laga soo tago, waxay dalalka ay ku leedahay Wakiillada Diblomaasiyadeed ku dartay Puntland iyo Somaliland.

Waa gefkii labaad oo todobaad gudihiis ka gasho qaranimada Soomaaliya, waxaana Dowladda Somalia waajib ku ah in ay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda.

HALKAN KA DAALACO BOGGA WASAARADA ARRIMAHA DIBEDA ITOOBIYA

Hoos ka akhriso liiska sadex danjire ee Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, kuwaasoo lagu daray kuwa caalamka

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Mareykanka oo qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah Muhaajiriinta dalkaasi ku qul qulaya

Cabdi Cade

Hoggaamiyaha Wagner oo farriin u diray dalalka Afrika ay ciidanka ka joogaan iyo kuwa…

Cabdi Cade