Xukuumada Kenya ayaa sheegtay inay lacago malaayin ah ay ka soo amaahaneyso bangiga adduunka ka dib dhaqaale xumo soo wajahaday.
Lacagta amaahda ah ayaa gaareysaa 750 milyan oo doolar si dowladda Kenya ay lacagtani ugu adeegsato misaaniyad sannadeedkan.
Kenya ayaa markii ugu horreysay wada xaajood kala yeelaneysa bankiga adduunka si uu deyntan u siiyo.
Shacabka Kenyaanka ayaa si weyn uga hadlay sida warbaahinta Kenya ay u hadal heyso arrintani, iyadoo Wargeyska Financial Times uu horraantii bishan ku warramay in deymaha lagu leeyahay Kenya ay sare u kaceen maadaama uu deyn badan kasoo amaahday dalka Shiinaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com