Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen duqa cusub ee magaalada Baladweyne iyo duqii hore ayaa maanta lagu qabtay xarunta Maamulka ee isla magaalada Belad-weyne.
Munaabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle, mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer degmo iyo qeybaha bulshada.
Duqii hore ee Magaalada Beledweyne Khadar Xasan Afrax ayaa xilka ku wareejiyay Safiya Xasan Shiikh Cali Jimcaale oo noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee duq magaalo ka noqota Beled-weyne
Duqa cusub ee Magaalada Baladweyne Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale ayaa mar soo noqotay Guddoomiyaha degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir, waxayna balan-qaaday iney wax badan ka qaban doonto soo celinta adeegyada magaalada B/Weyne.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com