Allbanaadir.com
NEWS

Masuul loo xiray Sawirka William Ruto oo xiran darees Milatari oo gaari lagu dhajiyay (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xiray Julius Macharia oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Kiambu, waxaana ninkan lagu eedeeyay in gaari ku dhajiyay sawirka Madaxweyne kuxigeenka kenya William Ruto oo loo xiray dareeska Milatariga.’

Wargeyska Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in masuulkan katirsan golaha deegaanka Kiambu iyo darawalkiisa loo xiray gaariga ay ku dhajiyeen garaadaha ciidanka iyo sidoo kale calanka Kenya.

Baraha bulshada dalka kenya ayaa aad looga hadal hayaa dhacdadan lagu xiray masuulka iyo darawalkiisa, waxaana dadka qaar sharci daro ku tilmaameen xariga loo geestay labadan ruux.

Masuulkan katirsan golaha deegaanka Kiambu, ee loo xiray sawirka gaariga lagu dhajiyay ayaan wali ka hadlin falkan loo xiray, waxaana sheekadan warbixino kala duwan ka qoray Wargeysyada dalka Kenya.

Related posts

Xiisad xoogan oo ka dhalatay tageerayaal Kubada Cagta oo amaanay Saddam Xuseen

Cabdi Cade

Maamulka Hirshabelle oo sidii la filayay Mudo kororsi sameestay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Somtel oo soo af-jartay Ololaha ku shubo oo guuleyso 10000 Hadiyadood (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---