Ciidanka Macawiisley oo ah ciidan qaab beeleed u abaabulan mudooyinkii dambana dagaal kula jiray dagaalyahanada Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegay in ay dileen sargaal katirsan Al Shabaab.
Taliyaha Macawiisleyda Axmed Dhagey ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in ay dileen sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa degmada Cadalle. waxa uu sidoo kale sheegay in xubno kale oo Shabaab ah dil iyo dhaawac u geesteen.
Axmed Dhagey ayaa sheegay in weerar gaadmo ah ku qaadeen deegaanka Xagarey oo 40 KM u jirta degmada Cadalle, waxa uuna sheegay in weerarkaasi ku dileen sadex xubnood oo katirsan Al Shabaab uu ku jiro Madaxii Shabaab ee Cadalle Macalin Caadey.
“Shalay galinkii danbe abaaro 5:00-kii ayaan weerar gaadmo ah ku qaadnay deegaanka Xagarey oo xarun ah Al Shabaab waxaana halkaas ku dilnay ninkii u qaabilsanaa Cadale iyo Seddex kale oo la socotay, waxaa isoo suurto gashay in aan kasoo furano quri AK47 AH iyo Rasaas badan, waxaan helnay xog u saabsan in halkaas ku dhibaateen dadka shacabka ah, Allah mahadi dhankeena wax nasoo gaaray majiro”ayuu yiri Axmed Dhagey oo ah Taliyaha Macawiisleyda
Kooxda Macawiisleyda oo ah dhalinyaro reer baadiye ah oo is abaabushay iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa marar badan ku dagaalamay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com