Allbanaadir.com
NEWS

Shirkii Golaha Wasiirada Somalia oo goor dhow ka furmay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa goor dhow ka furmay Magaalada Muqdisho shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada federaalka Somalia.

Shirkan oo ah kii todobaadlaha ahaa ee golaha Wasiirada ayaa waxaa guddoominaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federalka Xasan Cali Khayre.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin dardar gelinta howlaha Xukuumada iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan dhinacyada, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha Wasiirada ayaa la filayaa in shirkan looga dhegeysto warbixino ku saabsan waxqabadka wasaaradaha ay masuulka ka yihiin.

Wixii warar ah ee ka soo kordha shirka golaha wasiirada kala soco boggan saacadaha dhow insha Allaah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Itoobiya oo si adag u beenisay Eedeyn uga timid dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Laftagareen oo si aan caadi aheyn Muqdisho loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---