Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya

Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in Dalka Holland oo kamid ah wadamada kuyaala Qaarada Yurub uu aqoonsaday baasaboorka Diblumaasiga iyo kan shaqaalaha dowlada Soomaaliya .

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Holland si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka diblumaasiga iyo kan shaqaalaha Soomaaliya, waxa uuna xusay in hada kadib dalkaasi lagu gali karo baasaboorkaasi.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu yiri Cali Fiqi.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleesatay in ay hormariso baasaboorka Soomaaliya oo hada wadamo badan lagu gali karo, waxaana horey baasaboorka Soomaaliya gaar ahaan kan diblumaasiga iyo shaqaalaha u aqoonsaday wadamo qaarkood Yurub ku yaalaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa shaqsi caynkee ah Shariif Max’ed Cabdalla, Musharaxa Gudoomiyaha Golaha shacabka?

Caydiid Ali

Imaaraadka oo Madaxweyne Ciro ku casuumay shir caalami ah

Caydiid Ali

Guddi isku keenaya Madaxda Dowlada & Maamul goboleedyada oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---