Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo duqeyn ku dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ciidamada Marayanku ka fuliyeen nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Warbaahinta dowlada Somalia oo warkan faafisay ayaa magaca sarkaalkan ku sheegtay Maxamed Nuur oo ahaa madaxii amniga u qaabilsanaa Al-shabaab.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala degaanada Jubbaland Dayuurado dagaal ayaa xalay duqeymo ka fuliyey xarumo muhiim ah oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin  degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa sidoo kale ku nafwaayay tiro ka mida ilaalada hogaamiyahan la dilay sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Dhinaca kale, War-saxaafadeed caawa ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn kale oo ka dhacday buuraha Golis ee gobolka Bari shalay lagu dilay 3 ka tirsan dagaalyahanada kooxda Daacish.

Ciidamada Kumaandoska Somalia iyo kuwa Maraykanka ee taageeraya ayaa kordhiyay weerarada iyo duqeymaha ay ka fulinayaan Saldhigyada Al-Shabaab ee gudaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Musharaxii labaad oo kasoo jeeda Beeshiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo loogu talo galay ka hortaga rabshadaha oo Muqdisho lagu soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Koox burcad ah faagatay Qabuuro lana baxday Meydka Ruux ku aasnaa !!!

admin
Taboola Ads ---