Allbanaadir.com
NEWS

Weerar nooc cusub ah oo lala beegsaday haweenka Nadaafada G/Banaadir qaarkood (Sawirro)

Haween ka shaqeynayay Nadaafada degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa lagu buufiyay wax loo maleynayo Sun.

Weerarkan ayaa waxaa geystay rag watay Gaari noociisu ahaa Noah oo aan taargo laheyn kaasoo goobta ka baxsaday.

Haweenka la sumeeyey oo tiradooda  gaareyso sagaal ayaa afar ka mid ah waxaa la soo sheegayaa in xaaladoodu aad u liidato, jirkooduna uu isbadalay waxaana loo qaaday Isbitalka Erdogan Ex-Digfeer.

Masuuliyiinta Maamulka degmada C/casiis ayaa xaqiijiyay dhacdadaasi, iyagoo dhanka kale sheegay inay ku raad joogaan kooxihii dambeeyay falkan.

Dhaqaatiirta isbitaalada la geeyey haweenkan ayaa baaraya nooca ay tahay suntan lagu buufiyey haweenkan, waana falkii ugu horeeyey noociisa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Puntland oo howlgal weyn ka fuliyey Buuraha Galgala (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

RW Xamse oo tacsi u diray dowlada iyo shacabka Turkiga ka dib qaraxii galabta

Caydiid Ali

Madaxweyne War been abuur ah faafiyay oo Maxkamad baaris ku bilawday !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---