Madaxweynaha dalka Peru Pedro Pablo Kuczynski ayaa isu casilay fadeexad la xiriirta inuu codadkii doorashada iibsaday.
Pedro Pablo Kuczynski ayaa diiday inuu wax khalad ah sameeyay laakin Arbacadii ayuu sheegay in uusan rabin in uu caqabad ku noqdo horumarka dalka.
Madaxda xisbiga ee aqalka Congresska ku jira ayaa markii dambe aqbalay iscasilaadda madaxweynaha Pedro xili codka kalsoonida loo qaadi lahaa Khamiista.
Cadaadiska ayaa ku sii badanayay tan iyo markii uu soo baxay muuqaal muujinaya dad ay xulafo yihiin oo mucaaradka u balanqaadaya lacago haddii ay codka ku taageeraan.
Khudbad uu qaranka u jeediyay ayuu Pedro ku sheegay in muuqaalkaas la isku kabkabay oo la jarjaray si xilka looga qaado.
Kuczynski oo 79 jir ah ayaa ka badbaaday cod kalsooni kala noqosho oo la qaaday bishii Disembar ee sanadkii hore.
Dadka ka soo horjeeda waxay doonayeen in ay xilka uga qaadaan eedaymo sheegayay in uu laaluush ka qaatay shirkadda ee Odebrecht oo laga leeyahay Brazil, balse codad yar ayuu ku badbaaday isagoo mucaaradka ku eedeeyay inay isku dayayaan in ay afgambi sameeyaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com