Allbanaadir.com
NEWS

Ibraahim Dheere oo xilka la wareegay si toos ahna u shaqo bilaabay (Daawo Sawirro)

Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda Md. Ibrahim Cumar Mahad-Alla ayaa Shaqadiisa bilaabay, kadib markii uu xilka kala wareegtay Gudoomiye kuxigeenkii hore ee ilka laga qaaday Xuseen Maxamed Nuur.

Mudane Ibraahin Dheere ayaa ugu horeyn kulamo isbarsho ah la yeeshay Madaxda maamulka  Gobolka, Agasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibrahim Cumar Mahad-Alla oo ah nin aqoonyahan ah ayaa Madaxweyne Farmaajo 3-kii bishan u magacaabay xilka Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir.

Dadka yaqaan Ibraahim Dheere ayaa rumeysan in uu yahay nin kasoo bixi kara xilkan cusub ee loo magacaabay, waxaana la filayaa in Masuulkan uu isbadal badan ku keeno howlaha shaqo ee maamulka gobolka gaar ahaan qeybta maamulka iyo Maaliyadda.

  1. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
    Muqdisho-Somalia

    Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada Somalia oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2024 (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiyihii Guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo caawa xabsiga la dhigay

Caydiid Ali

Wiil 14-sano jir ah oo Telfoon dartiis loogu dilay magaalada Jowhar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---