Ciidamada amniga Maamulka Puntland ee Magaalada Garowe ayaa Howlgallo ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada waxay ku soo qabqabteen dhalinyaro xilliyada habeenkii geysata falal la xiriira dhac, dil iyo kufsi.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/lle Sare Faarax C/raxmaan Warsame (Galangooli) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa sheegay in Howlgalkaasi ay ku soo qabqabteen dhalinyaro dhibaato ku hayay shacabka.
Qaarkood markii la waayay oo ay baxsadeen ayuu sheegay taliyuhu in ciidamadu ay soo xireen waalidiintooda si ay u keenaan dhalinyarada.
Taliyaha ayaa ka hadlay Gabar yar oo habeen ka hor kufsi wadareed loogu gaystay Togga dhexmara Magaalada Garowe, wuxuuna sheegay in gabadhaasi laga kaxaystay xaafadii ay daganayd, isagoo xusay in qaar ka mid ah raggii falkaasi geystay ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen kuwo kalena ay ku raad joogaan.
Gaashaanle Sare Faarax C/raxmaan Warsame ayaa sheegay iney maxkamad soo taagi doonaan dhalinyarada kufsiga geystay, isagoo waalidiinta faray iney dabagal ku sameeyaan caruurtooda oo magaalada ka geysta ayuu yiri dhibaatooyin kala duwan, wuxuuna xusay in markii haddii sharcigu qabto aan la sii deyn doonin lana marinayo ciqaabta ay mudan yihiin.
Degaanada Puntland ayaa waxaa ku soo badanayey mudooyin kiisaska la xiriira kufsi wadareedyo badan oo ay geysanayaan dhalinyaro abaabulan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com