Allbanaadir.com
NEWS

Wariyaal Idaacada Al Shabaab u shaqeenayay oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Ciidamada booliiska ayaa howlgal gaar ah ay ka sameeyeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ay kusoo qabteen labo nin oo la sheegay in ay u shaqeenayeen Idaacada afka Al Shabaab ku hadasha eeĀ  Andulus.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (C/raxmaan Yariisow) ayaa sheegay in ciidamada booliiska Masjid kuyaala degmada Kaxda kasoo qabteen labo nin oo u shaqeenayay Idaacada Andulus.

Waxa uu sheegay Duqa Muqdisho in warbixino shacabka soo gudbiyeen lagu soo qabtay labadan nin uu sheegay in ay katirsanaayeen Idaacada Andulus ayna dhax jiifan jireen Masjid kuyaala degmada Kaxda.

ā€œWaxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay nabad-diid farabadan oo shacabka wax yeelo u geysan lahaa. Labo dhagarqabe oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynayey la soo qabtayā€. ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir sooma bandhigin magacyada iyo waxa ay u qaabilsanaayeen ragan uu sheegay in ay u shaqeenayeen Idaacada Andulus, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in ragan xiran ay ku socdaan baaritaano.

 

Related posts

(Sawirro) Meydka duqii magaalada Seoul oo laga helay dhul keyn ah & baaritaan socda

Caydiid Ali

TOOS U DAAWO: Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Madaxweyne Musaveni oo sheegay in uu Jecel yahay Donald Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---