Allbanaadir.com
NEWS

Wiil Soomaaliyeed oo Taariikh sameeyay kana mid noqday Baarlamaanka Midowga Yurub

Wiil dhalinyaro ah oo asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka Britain ayaa sameeyay taariikh cusub, kadib markii loo doortay in uu kamid noqdo Baarlamaanka Midowga Yurub.

Maajid Maajid oo horey usoo noqday Duqii magaalada Sheffield ee dalka Britain ayaa hada kamid noqday Baarlamaanka Midowga Yurub, waxa uuna ninkan dhalinyarada horey u noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee Duq magaalo ka noqda Britain.

Ninkan dhalinyarada ayaa caan ka noqday saxaafada intii uu ahaa duqa magaalada Sheffield, kadib markii sanadkii hore ka dhawaajiyay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uusan imaan karin magaalada uu Duqa ka yahay.

Maajid ayaa qoyskiisa isaga oo shan sano jir ah waxa ay tageen dalka Britain iyaga oo ka tagay magaalada Burco, waxa uuna wiilkan Soomaaliyeed noqday siyaasi saameyn badan leh magacna ku dhax yeeshay dalka Britain.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Q/Midoobay oo ka digtay halis ka baxsan dagaalka oo ka taagan xaalada Gaza

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo mar kale hanjabtay & digniin la siiyey Madaxda DF iyo qurba-joogta

Caydiid Ali

Taliyaha Nabad sugida Puntland oo ka hor yimid xilka qaadistii lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---