Allbanaadir.com
NEWS

Burcad hubeesan oo Caawa Muqdisho lagu qabtay iyo Taliska booliiska oo ka hadlay

Ciidamada booliiska Soomaaliya oo caawa howlgal gaar ah ka fuliyay Degmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay burcad hubeesan oo dhac u geesanayay dadka shacabka ah.

Dadka deegaanka ayaa ku war galiyay booliiska burcada hubeesan oo dhac ka geesanayay xaafado katirsan degmada Warta Nabada iyo Yaqshiid , waxa ayna ciidamada gacanta ku dhigeen burcadaasi oo  iska hor imaad kala hor yimid  ciidamada.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Gen Zakiya Xuseen ayaa sheegay in ciidamada ku guuleesteen in ay gacanta ku dhigaan sadex nin oo burcad ahaa, waxa ayna taliyaha u mahad celisay shacabka oo gacan ka geestay soo qabashada burcada.

”Ciidanka boliiska oo howlgal ka fuliyay degmada W/Nadda ka dib marka ay warbixin ka heleen shacabka degmada ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad oo hubaysan oo shacabka ku dhici jiray degmooyinka Warta Nabadda iyo Yaqshiid, Israsaaseyn ka dib ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay burcadkaas ,Shacabka Somaliyeed waxaan ugu mahad celineenaa sida hufan ay nala shaqeeyaan. Wixii amni daro ah aad la kulantid ku wargeli ciidanka adigoo wacaaya 991.” aey tiri Gen Zakiya.

Ciidamada booliiska ayaa magaalada Muqdisho kawada howlgalo gaar ah oo lagu xaqiijinayo amaanka sidoo kale looga hortagayo kooxaha hubeesan ee dhaca iyo dilalka ka geesta magaalada.

 

 

Related posts

Dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo gabo gabo maraya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil maanta loo geestay Xamdi Maxamed

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo war ka soo saartay qarax saaka lagu weeraray saldhigooda Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---