Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Shaqo joojin ku sameeyay Mid kamid ah Kuxigeenadiisa (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa shaqada looga joojiyay  Gudoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho wareegtada uu soo saaray ayaa lagu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’idsul Wasaaraha , waxaana lagu eedeeeyay Gudoomiye kuxigeenka howlaha guud Aadan Sheekh Cali Fiidow amar diido iyo shaqo curyaamin .

Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo kuxigeeniisa dhinaca howlaha guud ayaa la sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay uu ka dhaxeeyay khilaaf xalintiisa lagu guuleesan waayay, waxa ayna ugu dambeyn khilaafka dhaliyay in Yariisow Shaqaada ka joojiyo kuxigeeniiisa.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Shaqo joojinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com.

 

Related posts

Wasaaradda arrimaha Gudaha oo War xasaasi ah ka soo saartay doorashada Galmudug (Akhriso)

Caydiid Ali

C/kariin Guuleed oo ka hadlay doorashada Galmudug, hambalyona u diray Qoor-qoor

Caydiid Ali

Dowladdii ugu horeysay caalamka oo bilowday iney shacabkeeda kala dagaalanto cayilka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---