Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo: Sawir shaki badan dhaliyey oo lagu arkay bogga Wasaarada A/dibeda Itoobiya

Sawir Muddo kooban ka muuqday Maqaal lagu qoray bogga rasmiga ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa muujinayay qariirada Afrika oo tilmameysa dhulka Soomaaliya oo lagu daray Itoobiya, iyadoo Somaliland aysan ku jirin.

Maqaalku wuxuu ka hadlayaa xiriirka Itoobiya iyo Masar gaar ahaan arrinta biyaha wabiga Nile, kamana hadlaayo wax Somalia ku saabsan waxaase isweydiintu tahay muxuu ka macno yahay sawirkan aanay ka muuqan Soomaaliya ee haddana lagu calaamadeeyey Itoobiya?

Baraha bulshada ee Soomaalida ayuu durba sawirkan qabsaday, hadal heyn badana ka dhex dhaliyey, iyadoo dadku ay fikrado kala duwan ka bixinayaan.

Marka aad sawirka si fiican ugu kuurgasho dalalka afrika oo dhan xuduudahooda waa sida caadiga ah ee hadda loo aqoonsan yahay, Maxaa keenay in Somalia dhulkeeda lagu daro Itoobiya?.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili dadka Soomaalida ay si aad ah uga gilgisheen hadal uu sheegay dhowaan Rai’sul Wasaaraha Itoobiya oo uu ku sheegay in “Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea hal dal isku noqon doonaa mustaqbalka.

Shaki badan ayey Soomaalidu qabtaa, waxaana ugu wacan juqajuqeynta iyo kasbeynta dalalka dariska ah ku hayeen in muddo ah Soomaaliya, kuwaasoo xilliyada qaar heer aad u fog gaara, waxaana la aaminsan yahay in damaca itoobiya ay ka qabto dhulka Soomaalida uu ahaa mid weligiisba soo jiray, haatana maraya xaalad aan qarsoodi aheyn.

SAWIRKAN AYAA DEG DEG LOOGA SAARAY BOGGA WASAARADA ARRIMAHA DIBEDA EE ITOOBIYA MARKII HADAL HEYNTIISU AY KU FAAFTAY BARAHA BULSHADA IYO WARBAAHINTA SOOMAALIDA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xilka u kala wareejiyay labo Wasiir (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Cumar Filish oo soo saaray amar ku socda shacabka Gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Madaxweyne Geelle & RW Abiy Ahmed oo kulan gaar ah ku yeeshay Addis ababa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---