Allbanaadir.com
NEWS

Magaca & Sawirka nin qaraxyo ka geystay dalka Maraykanka oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Saraakiisha Booliiska Maraykanka ayaa soo bandhigay magaca iyo sawirka qofka looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay qaraxyo lo adeegsaday bambooyin bashqado ku jiray oo ka dhacay magaalada Austin ee dalka Maraykanka.

Mark Anthony Conditt oo 23 jir ah ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey qaraxyadan, Wuxuuna ku dhintay qarax uu ka dhex sameeyay gaarigiisa ka dib markii ay ku soo dhawaadeen askar soo cayrsatay magaalada Round Rock oo ku taalla Texas.

Saraakiishu waxay sheegen inuu ku noolaa guri uu dad la wadaagayay oo ku yaalla meel 30km u jirta magaalada Austin, iyagoo xusay inaysan jirin walxo kale oo dheeri ah oo khatar ku ah bulshada.

Booliiska ayaa saxafiyiinta u sheegay in Condit looga shakisan yahay shan qarax oo dilay labo ruux, dhaawacayna lix kale, isagoo  muuqaal uu talefankiisa ku duubay ku qirtay inuu isagu qaraxyadaas ka dambeeyay.

Muuqaalka 25 daqiiqo soconaya ayaa laga helay taleefankiisa ka dib markii uu Arbacadii shalay is qarxiyay iyadoo booliisku ay ku raad joogaan.

Hadaladiisa kama muuqanin wax argagixisanimo ama jinsi nacayb ah oo ku xambaaray falkan balse waxaa uu sheegay in ahayd caro ka dhalatay caqabado nolosha ka haystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeneydii ugu Da’da weyneyd oo Sannadkan Xajineysa iyo Sacuudiga oo soo dhaweeyay

Cabdi Cade

Guddi loo saaray qaban qaabada Aaska Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Dayuurad gaar ah oo loo dirayo Maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayey xabsiyada India

Caydiid Ali
Taboola Ads ---