Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsan kooxda Daacish oo Muqdisho lagu qabtay & NISA oo ka hadashay

Ciidamada Nabadsugidda ee NISA ayaa shaaciyay in howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ay ku soo qabteen xubin ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya.

Farriin ay faafisay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu dhacay 24-kii bishan May.

“Howlgal 24-ka bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada Hawlwadaag ee magaalada Mogadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsan ISIS, Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada AS iyo ISIS, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka”.

Lama faahfaahin qofka la qabtay magaciisa iyo darajadiisa, sidoo kalena lama soo bandhiginin muuqaalkiisa, wuxuuna howlgalkan ka mid yahay kuwo fara badan oo NISA ay horay u shaacisay iyadoo aan faahfaahin laga bixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Magaalada Abu Dhabi iyo Diyaarado Drone oo…

Cabdi Cade

Doorashadii ugu cajiibsaneed oo ka socota Baledweyne iyo Wareeg saddexaad oo la aaday

Cabdi Cade

Dawladdaha Hoose ee Muqdisho & Kigali oo heshiis iskaashi kala saxiixday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---