Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil ka dhacay Suuqa degmada Xamar Weyne iyo askari ka tirsan Booliska oo..

Askari ka tirasn ciidamada Booliska ayaa toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj ku sugnaa degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir galabnimadii maanta.

Falka dilka Darawalka Mooto-bajaajta ayaa ka dhacay Isgoyska Afar-Irdoodka ee suuqa Xamar Weyne, waxayna wararku sheegayaan in Askariga dilka geystay ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliiska ee ku sugnaa goobta uu falka ka dhacay, waxaana lagu xiray saldhigga Booliska Xamarweyne.

Dilka ayaa imaanaya iyadoo maanta dil toogasho ay lagu xukumay askari Boolis ahaa oo dhowaan Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj, waxaana xiran askar kale oo ku eedeysan iney dileen dad shacab ah oo ay ku jiraan darawalo waday mooto bajaajyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo sheegay in diyaaradda Prigozhin laga yaabo in si ulakac ah loo soo riday

Caydiid Ali

Ciidamada dowlada oo la wareegay degaano cusub oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali

Khayre oo gaaray degmada Caabudwaaq, mashruuc cusubna dhagax dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---