Allbanaadir.com
NEWS

Beesha caalamka oo ka soo jawaabtay codsi xasaasi ah oo uu diray Guddoomiye Jawaari

Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa aqbalay qoraal uu Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari horey ugu diray, kaasoo uu kaga dalbaday qodobo dhowr ah oo la xiriira qaabka ay u dhaceyso marka xildhibaanada baarlamanku u codeynayaan mooshinka laga keenay.

Jawaari ayaa qoraalkaas ku dalbaday in codbixinta mooshinka lagu qabto teendhadii ay ka dhacday sanadkii hore doorashadii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku taalla garoonka dayuuradaha Aadan cadde gaar ahaan xerada Afisiyooni.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa sidoo kale dalbaday in ciidamada AMISOM ay ilaalo ka noqdaan xeradaas marka mooshinka loo codeynayo, ayna goob joog ka ahaadaan kormeerayaal caalami ah, Culimada iyo Ururada bulshada.

Sida muuqata Jawaari ayaan ku qanacsaneyn in codeynta mooshinka ka yaalla ay ka dhacdo xarunta golaha shacabka Qaranka oo dhowaan dowladu ay geysay ciidamo aan aheyn kuwii horey ilaalada uga ahaa.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa la sheegay iney guud ahaan aqbaleen codsiga Jawaari, iyagoo dhinacyada oo dhan ka dalbaday in kalsooni la muujiyo sharcigana loo hogaansamo.

Jawaari ayaa dhowaan aqbalay in cod loo qaado mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ay ka gudbiyeen xildhibaano ka badan  boqol, iyagoo ku eedeynaya xil gudasho la’aan iyo qodobo kale, welina waqti looma qaban xiliga mooshinka loo codeynayo, iyadoo labo maalmood ay ka hartay xiliga 10ka cisho ah ee sharcigu dhigayo in Baarlamanka lagu horgeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo cusub oo lagu arkay magaalada Kismaayo iyo cabsi lasoo daristay Musharaxiinta qaar

Cabdi Cade

Deegaano ka tirsan Sh/dhexe oo sanado ka dib ka baxay gacanta Al-shabaab

Caydiid Ali

Doorasho Hadal heyn badan dhalisay oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---