Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faahfaahin: Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo dil & dhaawac loo geystay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan kooxo hubeysan oo xalay weerar  sababay dhimasho iyo dhaawac ku qaaday askar ka tirsan Booliska Maamulka Puntland oo ku sugnaa magaalada Boosaaso.

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay, xili ciidamada booliska Puntland ay ku guda jireen howlgal ay ka wadeen Bartamaha magaalada Boosaaso, kaasoo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday, halka mid kalana uu ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Askarta la weeraray ayaa waxay ka mid ahaayeen ilaalada Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Kooxda hubeysan ee dilka iyo dhaawaca ka geystay Magaalada Boosaaso ayaa goobta baxsaday, iyadoona halkaasi ay gaareen ciidamo Boolis ah oo ka tirsan kuwa Puntland, iyagoo halkaasi baaritaano ka sameeyey.

Todobaadkii hore ayey eheyd markii Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasoo marayay xaafada Al-Raxma waxaana weerarkaas ku dhintay hal askari, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada :Silaca iyo Saxariirta ay ku nool yihiin Haween Soomaaliyeed oo kunool dalka…

Cabdi Cade

Meydad laga soo saaray dhismeyaal ku dumay qarax ka dhacay Marseille (Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsade caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---