Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeney 102 sano jir ah oo dil ka geysatay dalka Faransiiska

Haweeney 102 sano jir ah ayaa looga shakisan yahay inay dishay haweeney kale oo daris la’ahayd taasoo iyana aheyd 92-jir. Waxayna iskula noolaayeen meel dadka da’da ah lagu xanaaneeyo oo ku taalla Faransiiska.

Waxaa lagu hayaa Isbitaal lagu daweeyo dadka qaba xannuunada dhimirka. Xilli sii horeysay ayay mid ka mid ah dadkii xanaaneynayay u sheegtay inay qof dishay, sida waaxda dacwad oogidda loo sheegay.

Qofka ay u sheegtay inay dilka geystay” oo deggan magaalada Chézy-sur-Marne, ee waqooyiga Faransiiska ayaa haweeneyda dhimatay ka heshay sariir dusheeda, iyadoo wejigana dhaawac xun uu uga yaallo.

Dhimashadeeda waxaa sababay “ceeji iyo madaxa oo laga garaacay”, sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay.

Qof ka shaqeynayay meesha xannaanada, xilligii ay aragtay haweeneyda dhimatay way suuxsanayd, Dilka ayaana dhacay xilli saq-dhexe ah.

Haweeneyda dilka geysatay aad ayay u walbahaarsanayd, wayna jahwareersanayd, waxayna qof shaqaalaha ka mid ah u sheegtay in ay iyadu dilka geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mastercard and Sombank announce partnership to launch debit card in Somalia

Cabdi Cade

Madaxweyne Zelensky oo booqday Magaalo ay ka baxeen ciidamada Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Axmed Madoobe oo kormeeray Xarumo ku yaalla Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---