Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo tagay Baar Sanguuni kuna dhawaaqay Dagaal (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay wehliyaan Wasiiro iyo saraakiil katirsan maamulkiisa ayaa maanta gaaray Deegaanada Buulo Gaduud iyo Baar Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose.

Axmed Madoobe waxaa kusoo dhaweeyay deegaanada uu tagay saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka jubbaland, waxa uuna madaxweynaha kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee ku sugan deegaanada uu tagay.

Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlay saraakiisha ciidamada ayaa u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab , waxa uuna xusay in Madaxweynaha bilaabanayaan howlgalo Shabaab looga saarayo Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa inta badan marka uu booqdo xeryaha ciidanka ee deegaanada jubbaland ku dhawaaqa dagaal, mana jiro ilaa hada howlgalo ay bilaabeen ciidamada Jubbaland oo marar badan la shaaciyay in howlgalo bilaabayaan.

Related posts

Jabhada TPLF oo shaacisay in ay laayeen Ciidamo badan oo u dhashay Eritrea

Cabdi Cade

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Kate Foster

Cabdi Cade

Dowlad Carbeed oo maalgalineysa dhismaha dekadda Hobyo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---