Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay Gantaal lagu riday Magaalada Makka Al Mukarama

War Saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay Gantaal la sheegay in lagu riday dhinaca magaalada Barakeesan ee Makka Al Mukarama ee Boqortooyada Sacuudiga.

Gantaalkan ay qarxiyeen ciidamada cirka ee Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, waxa ayna Xukuumada Soomaaliya bogaadisay talaabada ay ciidamada cirka uga hortageen gantaalka loo ganay dhinaca Makka.

Halkan ka Akhriso War saxaafadeedka

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xabad joojinta Gaza oo gashay Maalintii todobaad & Blinken oo Tel-aviv ku laabtay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo guddoomiyay kulan deg deg ah soona saaray Digniin

Cabdi Cade

Somalia oo saxiixday Heshiiska 𝐂𝐥𝐢𝐦𝐚𝐭𝐞 𝐑𝐞𝐬𝐢𝐥𝐢𝐞𝐧𝐭 𝐀𝐠𝐫𝐢𝐜𝐮𝐥𝐭𝐮𝐫𝐞

Caydiid Ali
Taboola Ads ---