Labo nin ayaa lagu dilay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ka dib markii rasaas lagu furay.
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ka dambeeyey dilka labada nin oo wada socday, xili ay marayeen agagaarka Daarta Xaaji gaabow sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga la dilay ay ahaayeen ganacsato, lamana  oga ilaa hadda sababta loo dilay iyo cida geysatay.
Ragga dilka geystay ayaa baxsdaday goobta, waxaana gaaray wax yar ka dib ciidamada amaanka dowlada oo halkaas ka sameeyey baaritaano.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com