Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo labo todobaad u qabtay Turkiga & Xiisada labada dal oo ka sii dareysa

Washington ayaa Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabato, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus sida uu baahiyey Telefishinka CNBC.

Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa cambaareeyey kuna sheegay wax aan la aqbali karin waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO.

Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin.

Mar arrintan wax laga weydiiyey afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov waxa uu yiri “Tani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono”

Wasiirka difaaca Turkey ayaa arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xiriira iibsashadeeda habka S-400.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgal loogu magac daray “Maxay galabsatay Caa’isha” oo ka bilowday Gaalkacyo

Caydiid Ali

Qarax xooggan oo ka dhacay Xeebta Liido iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro kala duwan dhaliyay oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---