Allbanaadir.com
NEWS

Qarax kale oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay wadada xiriirisa Ex-Control Afgooye iyo xaafada Xoosh, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa lagu bartilmaameedsaday ciidamo booliis ah oo ka agdhawaa halka uu ka dhacay qaraxa miino sida goob joogayaal ku warameen.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxan miino halka uu dhaawac soo gaaray askari katirsan ciidanka booliiska, waxaana qaraxa kadib ciidamada fureen rasaas aan wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada booliiska ayaa daqiiqado xiray wadada uu ka dhacay qaraxa miino, waxaana ciidamada howlgal ay ku raadinayeen dadkii qaraxa ka dambeeyay ka sameeyeen aaga uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan miino ayaa dhacay xili maanta sidoo kale magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray saraakiil, ciidan iyo waliba dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo safaarado cusub ka furaneysa dalalka caalamka qaarkood

Caydiid Ali

Saciid Deni oo loo dhaariyey Madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo Heshiis milatari la saxiixatay Ruushka xili xaalad adag wajaheyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---