Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weeraro lala beegsaday goob hubka lagu keydiyo oo ku taalla Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa maanta sheegay inay weerareen keyd hub oo ku yaalla magaalada Koonfureed ee Najran ee dalka Sacuudiga.

Afhayeen u hadlay isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Xuutiyiinta kula dagaalamaya Yemen ayaa sheegay in weerarkan lagu fuliyey diyaarado aysan cidno wadin oo siday walxo qarxa, isla markanaa lala beegsaday goob ay dadka rayidka adeegsadaan.

Warbixinta dowladda Sacuudiga ma aysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay isniintii inay dhexda ka qabteen laba gantaal oo maleeshiyada Xuutiyiinta soo tuureen. Labada gantaal, oo la sheegay inay ku wajahnaayeen Makkah ayaa laga kala qabtay hawada magaalooyinka Taa’if iyo Jeddah, balse Xuutiyiinta ayaa beeniyey inay wax gantaal ah ku tuureen Makkah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalal qaabilay tahriibayaal Soomaali u badan oo muddo ku go’doonsanaa Badweynta

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo hanjabaad aan horey loo arag u diray Iran

Cabdi Cade

Dowladda Itoobiya oo loogu baaqay iney kala dirto ciidamada loo yaqaan Liyu booliis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---