Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Britain oo Hor marinaya Iskaashiga ka dhaxeeya (Daawo Sawirada)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka dowlada Britain u fadhiya Soomaaliya Danjire Benjamin James Fender.

Kulanka ay yeesheen labada masuul ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada  u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Dowlada Britain ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana labada dal ka dhaxeeya xiriir dheer oo soo jireen iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qarax lagu hoobtay oo lala beegsaday Masjid lagu tukanayey Salaadii Jimcaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca oo la dardaarmay Saraakiisha ciidan loo diyaariyey dagaal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---