Allbanaadir.com
NEWS

Aqalka sare oo War kasoo saaray kasoo saaray Khilaafka Baarlamaanka (Daawo Sawirada)

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta war kasoo saaray Khilaafka ka dhax aloosan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka dhashay mooshin laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Guddi Xubnaha Aqalka sare u saareen Khilaafka Baarlamanaka ka dhax aloosan ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo labadiisa kuxigeen.

Waxa ay sheegeen Guddigan in Gudoonka Baarlamaanka kala hadleen mooshinka Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ka gudbiyeen Gudoomiye Jawaari iyo sidii mooshinkaasi nidaam sharci ah loo marsiin lahaa.

Guddiga Aqalka sare ayaa sidoo kale la kulmay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna ka dalbadeen in ciidamada cusub laga qaado xarunta Baarlamaanka laguna soo celiyo ciidankii horey u joogay xaruntaasi.

Waxa ay sidoo kale guddiga sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo la kulmeen iyagoo kala hadlay khilaafka Baarlamaanka, waxa ayna ka codsadeen Madaxweynaha in uu soo fara galiyo khilaafka taagan.

Ugu Dambeyn Aqalka sare ayaa ugu baaqay Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey in uu waqti u qabto xiliga la guda galayo mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isir sifeyn ka socota Tigray oo la ogaaday iyo Warbixin Qarsoodi ah oo laga diyaariyay

Cabdi Cade

Maamulka Taliban oo amar cusub ku soo rogay haweenka wadanka Afghanistan

Caydiid Ali

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday Soweto & Booliska oo ka hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---