Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Soomaali Miino aaseysay oo lagu qabtay Magaalo ku taalla dalka Yemen

Milateriga dowladda Yemen ayaa magaaladda Tacis ku qabtay  labo nin oo Soomaali ah kuwaasoo ay sheegeen iney u shaqeynayeen Kooxda Xuutiyiinta ee taageeradda ka hela Dowladda Iiraan.

Warbaahinta dalkaasi oo ilo milateri soo xiganaya ayaa sheegtay  in ciiddanka dowlada ee ku sugan degaanka Al-Zanuuj ee duleedka magaalladda Tacis ay qabteen raggan Soomaalida ah xilli ay doonayeen inay waxyaabaha qarxa ku aasaan dhismo ku yaalla deegaanka.

Mid ka mid ah raggan Soomaalida ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Yemen.

Sawiradda labada nin ee Soomaalida ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa waxaa soo bandhigay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo ku dhintay dab ka kacay xarun Ganacsi oo kutaala Kemerovo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkada Boeing oo Magdhaw siineysaa dadkii ku dhintay Shilalkii Itoobiya iyo …

Cabdi Cade

Tahriibayaal ku dhamaaday doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti (Faahfaahin)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---