War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen Deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab.
Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn isniinii ku garaaceyn Deegaanka Mubaakar lagu dilay labo xubnood oo katirsan AL Shabaab sidoo kale lagu dhaawacay sadex kale, waxaa sidoo kale Duqeyntan la sheegay in lagu bur buriyay gaadiid.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka gaar ahaan kuwa aan Duuliyaha laheyn ayaa marar badan duqeymo ay ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab waxa ay ka fuliyeen qaar kamid ah gobolada dalka.
Al Shabaab ayaana wali ka hadlin duqeyntan ka dhacday deegaanka Mubaarak ee la sheegay in lagu dilay xubno katirsanaa kooxdaasi, Al Shababa ayaana inta badan looga baran ka hadlida xubnaha dagaalada iyo duqeymaha looga dilo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com