Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre & kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilada beesha caalamka (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir lagu qabtay Muqdisho oo ay isugu yimaadeen hay’adaha amniga dalka iyo mas’uuliyiin ka socota dowlahada iyo hay’adaha heer caalami ee dowladda ka taageera dhanka amniga.

Shirka oo looga hadlay dardar-gelinta qorshaha howlgallada dalka looga xoreynayo al-shabaab, ayaa lagu bogaadiyay howlgalladii ay hormuudka ka ahaayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagula wareegay deegaannada hoos taga gobalka Shabeellaha Hoose ee Sabiid, Caanoole iyo Bariirre.

Shirka Amniga ee dhex maray hay’adaha amniga dalka iyo dhinacyada Soomaaliya ka taageera amniga ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay gargaaridda dadka ku nool deegaannada Shabaabka laga xoreeyay iyo in deegaannada la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshe ciidamo booliis ah lagu gaynayo deegannada ciidanka xoogga dalku kala wareegeen Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Mareykanka oo fariin kale u diray Madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo maanta xilka laga qaadayo iyo Shaqsiga lagu bedeli doono

Cabdi Cade

Qaabka Telefishinadu u soo tebiyaan Ciyaaraha dowlad goboleedyada oo la dhaliilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---