Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Eey soo bad baadiyay wiil yar oo Hooyadiis nolol ku aastay !! (Daawo Sawirada)

Warbaahinta caalamiga qaarkood ayaa aad u hadal haya Eey soo bad baadiyay nolosha wiil yar oo markii uu dhashay kadib hooyadiis nolosha ku aastay, waxa ayna arintan ka dhacday dalka Thailand.

Hooyo 15-sano jir ah ayaa meel cidlo ah ku dhashay wiil aysan uurkeeda ku ogeyn reerkeeda, waxa ayna hooyadan durba go’aansatay in nolosha ku aasto wiilka ay dhashay si aysan reerkeeda iyo asxaabteeda u ogaan una ceebeesan.

Eey lagu magacaabo Ping Pong ayaa tagay goobtii lagu aasay cunuga yar, waxa uuna eeygan lugihiisa kusoo faagay cunaga yar ee nolosha lagu aasay kaa oo markii dambe lasoo saaray isaga oo nool.

Hooyada dhashay cunuga godka lagu aasay oo 15-sano jir ah ayaa lasoo taagay maxkamad, waxaana hooyadan lagu eedeeyay in ay dayacday wiilkeeda sidoo kale isku day dil ay sameesay.

Waalidiinta dhalay gabadha yar ee cunuga dhalay ayaa sheegay in ay korsan doonaan cunuga gabadhooda dhashay, waxaa sidoo kale hooyada cunuga dhashay iyana ka qoomameesay falka ay ku dhaqaaqday ee ku aastay cunugeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo Qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda IOM (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland oo xilkii laga qaaday

Caydiid Ali

Kismaayo: Dhiiga Qubanaya Qareen iyo Qaran Ma Leeyahay !! ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---