Allbanaadir.com
NEWS

Guddi loo xil saaray Mooshinka Jawaari oo maanta Warbixin laga dhageesanyo 

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda  Muqdisho, kulankan ayaaan warbixin looga dhageesan doonaa Guddi dhawaan Aqalka sare u saaray Khilaafka Baarlamaanka ka dhax jira.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Aqalka Sare Axmed Macalin Cumar ayaa sheegay in maanta ay warbixin ka sugayaan guddigii ay u xilsaareen khilaafka ka dhextaagan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sida aan Wararka ku helnay Guddigan Aqalka sare u saaray ogaanshiyaha Khilaafka Baarlamaanka ka dhax jira ayaa la kulmay labada garab ee xiligan Baarlamaanka u kala qeyb san yahay waxa ayna ka dhageesteen aragtiyadooda.

Xildhibaano tiro badan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan mooshin ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka , mooshinkan ayaana buuq siyaasadeed ka dhax abuuray dowlada dhaxdeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo ka hadashay Guusha Ilhan Cumar ka gaartay doorashada Maraykanka

Caydiid Ali

Xisbiyada Mucaaradka oo goordhaw ku dhawaaqaya Isbahaysi cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dhismaha Dekadda Garacad oo si rasmi ah loo Daah Furey (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---