Qaar kamid ah Xildhibaanada saxiixay mooshinka kalsooni kala noqoshada ee Gudoomiyaha Baarlamaanka laga gudbiyay ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh .
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo kamid ah Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Jawaari ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Xildhibaanada Ururka Damul Jadiid in ay caqabad ku yihiin horumarka dalka.
Waxa uu sheegay Goodax Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo adeegsanaya Xildhibaanada Damul Jadiid in mar walbo caqabad ku yihiin dowlada una soo taagan yihiin carqaladeynta horumarada Dowladu gaartay.
Xildhibaan Goodax ayaa sheegay xili dalku marxalad adag ku jiro Madaxweynaha uu degay Wasaarada Gaashanadhiga si uu abaabul u sameeyo ay kooxdan wadaan xagal daacinta dadaalada Madaxweynaha iyo horu u socodka Dowlada.
“Waxaa xaqiiqa ah oo shaki aan ku jirin Xasan Sheekh oo adeegsanaya Xildhibaano kooban oo ka tirsan nidaamkii hore ee Damul jadiid ee damacsan Xukuumaddaan inaysan maalin horay u socon, Madaxweynahooda oo tuute gashtay oo xero u guuray in la fur furo oo la cambaareeyo oo dowladii ay shaqeyn wayso waa damiir xumo, Baarlamaanka isaga oo matalaya umadda Somaliyed waa in la dhahaa naga fariista Xildhibaanadaasi.” Ayuu yiri Goodax Barre.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Goodax in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu maalin kasta soo waco Xildhibaanada Damul jadiid kana dalbado fulinta waxa uu isagu rabo.
” Maalin kasta ayuu Xasan Sheekh soo wacaa Xildhibaanada Damul Jadiid, waxa uuna ku dhahaa sidaa yeela sidaa yeela, waxa ay Xildhibaanadan dagaal kula jiraan horumarka dalka iyo in horey loo sii socdo” Ayuu yiri Xildhibaan Goodax.
Xildhibaabadsa Ururka Damul Jadiid ayaa u muuqda kuwa mucaarad ah oo markasta caqabad ku noqda Horumarka dowlada, waxa ayna Xildhibaanadan hada la safan yihiin Gudoomiyaha Mooshinka ka yaalo ee Jawaari.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com