Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qiimaha Xajka sanadkan & tirada Shirkadaha ka qeyb qaadanaya oo la shaaciyey

Guddi ay dhawaan Magacowday Xukuumadda Soomaaliya si ay u jaan gooyaan shirkadaha u tartamaya Xujeyda Soomaalida ee Sanadkan iyo qiimaha Xajka ayaa  soo go’aanado soo saaray.

Suldaan Cabdiqani Qorane oo ka mid ah xubnaha Guddiga oo Akhriyey go’aankooda ayaa sheegay in tirada Soomaaliya loo ogolaaday iney sanadkan soo xajiyaan ay gaarayso 11,500 oo Xaaji, ayna Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 3-dii Bishan go’aamisay in Shirkadaha ka qeyb galaya tartanka inay ku shaqeeyaan nidaamka Xablooyinka oo hoostagaya marsada ayna ka qeyb galaan tartan furan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in qiimaha  sanadkan ee xajka uu yahay $3600 oo Dollar halka qiimaha ugu sareeya ee vip-da uu yahay $5,000 oo Dollar.

Waxa uu sheegay in tartankii la galay ee Shirkadaha ay ku guuleysteen 58 shirkadood, isagoo soo bandhigay Magacyada Shirkadaha dayuuradaha ee ku guuleystay tartanka bixinta adeegyada Xajka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda oo isaga baxay degmo ka tirsan gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashiga dhinaca Amniga

Cabdi Cade

Muxuu Laascaanood ka qabanyay taliye hore ee Danab ka hor inta aan la dilin?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---